HomeSomalilandWararkii HoreArticlesContact us

                   Home
Somaliland
Wararkii Hore
Articles
Contact us
Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCdaBarnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. AfrikaBarnaamika - Shanta Galabnimo G. AfrikaBarnaamika - Labada Duhurnimo - G. Afrika
        LINKS
  • Allaybaday
  • Awdalnews
  • Batalale
  • Berberalg
  • burcoonline
  • Farshaxan
  • Gabiley
  • Golisnews
  • Golisradio
  • Goljano
  • Halganews
  • Hargeisabiriij
  • Hargeysanews
  • Hargeysa
  • Hadhwanaag
  • Harowo
  • Hormoodnews
  • Qarannews
  • Saaxil
  • saaxil.org
  • SDWO
  • Somalilandcenter
  • SomalilandEmbassy
  • SomalilandForum
  • Somalilandfuture
  • somalilandHorta
  • somalilandnation
  • SomalilandNews
  • Somaliland.org
  • somalilandpatriots
  • Somalilandsports
  • SomalilandTalk
  • SomalilandToday
  • Sooyaal
  • Togdheernews
  • WaabariNews
  • Waaheen
  • Warjire
  •    NEWS PAPERS
  • GeeskaAfrika
  • Haatuf
  • Jamhuuriya
  • Maandeeq
  • SomalilandTimes
  • BUSSINESS
  • Maansoor Hotel
  • Ambassador Hotel
  • DaalloAirlines
  • DahabShiil
  • Telesom
  • Daryeel
  • LuckStar
  • Unieco
  • EDUCATION
  • HargeisaUniversity
  • BurcoUniversity
  • AmoudUniversity
  • BerberaColleg
  • GolisColleg
  •      POLITICAL
  • Kulmiye
  • Ucid
  • Udub
  • sheekibraahim2 Taariikh Nololeedka Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar Guddoomiyihii Golaha Guurtida JSL.

    Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar wuxu dhashay qiyaastii Sanadkii 1921kii. Madarasadii Sh. Cali Ibraahim ayu wax barashadiisi hore ka bilaabay, kuna bartay Diinta iyo Luqada Carabiga.

    Taariikh Nololeedkii Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar Guddoomiyihii Golaha Guurtida JSL.

    Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar wuxu dhashay qiyaastii Sanadkii 1921kii.

    • Madarasadii Sh. Cali Ibraahim ayu wax barashadiisi hore ka bilaabay, kuna bartay Diinta iyo Luqada Carabiga. 
    • Mudadii intaas ka dambaysay wuxu noqday Baayac-mushtari, gaar ahaana wuxu lahaa Babuur soo guri jiray Badeecadii isaga gudbaysay Itoobiya & Somaliland Protectorate (Transship)
    • Wakhtigii laga xoreeynayay dalka Gumeysigii Ingiriiska, Marxuumku wuxu ka mid ahaa dhallinyaradii doorka fir-fircoon ku lahayd halganka, gaar ahaan Xisbigii S.N.L 
    • Wakhtii ay dhalatay dowladii Somaliya, marxuumku wuxu aas-aastay shirkad dhinaca Macdanta ah, waxaanu ku hawlanaa Macdan Badhistaas ilaa dhalashadii Rajiimkii Siyaad Bare.
    • Rajiimkii markii uu kala wareegay warqadihii ruqsada, Marxuumku wuxu u dhaafay dalalka Imaaraadka Carabta, halkasi oo uu Sharaa'ik ka shaqo galay. 
    • Markii uu xanuun la soo darsay Aabihii Sh. Yuusuf Sh. Madar, oo ahaa Sheekhul Baladkii, wuxuu u yeedhay u Marxuum Sh. Ibraahim. Yeedhmadii ka dib wuxu ku wareejiyay Mas'uuliyadii & Wadifafdii Sheekul Baladnimada, taas oo u hayay laga soo bilabao 1973 ila wakhtigan uu geeriyooday. 
    • Aakhirkii Sanadkii 1988kii, markii xoogagii S.N.m LAGA SAAREY Magaalda Hargeysa 13/08/1988, Markaas oo uu daciifay Laxaadkii Ciidamadu, duqay Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf ka id ahaa waxay abaabul laxaad leh u galeen sidii ay u suurto geli lahayd Shir-weyne ay iskugu yimadaan dhamaanba duqaydii Beelihii halganku ku jiray, kana tirsanaa Beeshani dhexe, iyagoo yimaadaan dhammaanba duqaydii Belihii halganka ku jirayu, kana tirsanaa Beeshani dhexe, iyagoo abaabulkaasi wadey uddo sadex bilood ah oo uu Marxuum Sh. Ibrahim Sh. Yuusuf Sh. Madar ka ahaa hormood, waxay qbateen Shir-weynahaasi aakhirkii sanadkii 1988kii Biishii (December). 
    • Halkaas ayey ka hana qaadey ama ka abuurantay Guurtidii dastuuriga. Waxayna xoojiyeen dub u abaabulna ku sameeyeen, dibna u huruyeen dhammaanba hawlihii kala duwanaa ee halganka, haday ahayd ciidan uruurin, taakuleyn saad, xanaanayn dhaawac, rasaas iwm. 
    • Mudadii hallganka lagu jirey Guurtidii Dasturiiga ahayd ee uu Madaxa u noqday Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar waxay ka hayeen hlakganka udub-dhaxaad, waxyna mar waliba u taagnaayeen xalinta khilaafaadka iyo iska hor-imaadka. 
    • Guurtidii dastuuriga ahayd ee uu madaxa u ahaa Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar markii dalka dib loogu soo noqdey ee laga xoreeyay Rajiimkii Siyaad Bare, waxay qabteen oo ay Magaalada Ber-bera ka dhacay 23February 1991 kulankii ugu horeyay ee wax-garadka iyo duqayda Reer Somalilnad kaasi oo ahaa Guddoonkii ugu horeeyay ee dhinaca Nabada iyo walaaltinimo. 
    • Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar iyo duqaydii kalaba waxay bilaabeen hawlo nabadeed oo Bulshada dhex-marta, la gaadh-siiyayna hoos (Grade Soliute). Marxuun Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar wuxuu suurto geliyay in shirkii Nabadeed ee la baxay (Guul Alla) uu ku qabsoomo Magaaladda Boorama 28February 1991-3March 1991, shirkaasi oo ahaa mid taariikhi ah marka laa hadlayo nabadeyntii dhex martey Beelaha Reer Somaliland.
    • Guurtidii Dastuuriga ahayd ee uu hormuudka u ahaa Marxuun Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar waxay abaabuleen Nabadayntii hoose ee Beelaha ka dib, shir-weynihii Guurtiyada Beelaha Somalilnad, 27April 1991---18May 1991. Shirweynahaasi oo dib loogula soo noqdey Madax-banaanidi Reer Somaliland, Guurtidu waxay ku lahayd doorka ugu wayn, waxayna hoseed ka ahaayeen Go'aamadii loogu gaadhay Burco. 
    • Guurtiyadii Dastuuriga ahayd ee uu Madaxda u ahaa Marxuun Sh. Ibraaim Sh. Yuusuf Sh. Madar & Guurtiyadii Beelaha Reer Somaliland waxay gurmad Nabadeed u tageen Magaalada Burco, halkaasina waxay ku heshiisiiyeen dagaalkii iyo iska hor-imaadkii ka dhacay Magaalada Burco February 1992. 
    • Guurtidii Dastuuriga ahayd ee uu Marxuumka Guddoomiyaha u ahaa, iyo Guurtiyadii Beelaha Reer Somalilnad waxay Magaalada Sheekh ku dhammaystireen dagaalkii sokeeye ee Berbera ka socday mudada lixda Bilood ah. shirkaas Nabada ee Sheekh o socday 22October 1992-15November 1992 ka sokow heshiisiintii labada Beelood wuxu ahaa kii ay ka soo baxeen Go'aamadii guud ee dhinaca Nabad-gelyada, sila markaasna lagu odorosay shirweynihii Boorama, sidoo kale shirkaas Nabadeed ee Sheekh ee uu hormoodka ka ahaa Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar wuxuu ahaa ki Somalilnad kaga Nabad-gashay in ay yimaadaan Ciidamadii UNISOM oo wakhtigaas ka degayay Muqdisho.
    • Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo Guddoomiye uu ahaa Guurtidii dastuuirga ahayd iyo Guurtiyadii & wax-garadkii Beelaha Reer Somaliland waxay abaabuleen suurta geliiyeena Shirweynihii labaad ee Guurtiyada Beelhaa Reer Somaliland, kuna qaabsoomay Magaalda oorama 24January 1993-25May 1993. Shirweynahaasi oo ahaa kii ay ka soo baxeen Axdigii Nabad-gelyo, Axdigii Qaran iyo xukuumadii uu Madaxda ka noqday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
    • Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar horaantii Bishii Ogosto 1993 waxa Golihii uu horeeyay ee ku qeexnaa Axdigii Boorama uu u doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL.
    • 1996/1997 Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar wuxuu ka haa Gudoomiye Shir-guddoonkii Shir-waynahaas sadexaad ee Beelaha Reer Somaliland. Shir-waynihii wuxuu ahaa kii loogu dhammaystiray iska hor-imaadkii iyo khilaafaadki siyaasiga ahaa ee sababay dagaalkii sokeeye ee dalka ka hacay 15Ocotober 1994-October 1996. Shir-waynahaasi wuxuu socday 15October 1996-March 1997, wuxuuna ahaa kii lagu Guddoonsaday Dastuurka, mar-labaadna loogu doortay Xukuumadii Labad ee u Madaxda ka ahaa Marxuum Cigaal.
    • 1997 illaa Manta oo uu Geeriyooday Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar wuxuu ahaa oo uu Goluhu u doortay Guddoomiye (Mar-labad).
    • Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, hawl kasta oo ay Guurti qabatay ha ahaato mid yar iyo mid weyba, ha ahaato mid nabadeed, ama xallin khilaafaad siyaasadeedba, wuxuu ka ahaa hogaamiye, wuxuuna lahaahal-abuurkii hawl-galadaas oo dhan kuwa aynu soo sheegnay iyo kuwa aynaan xusinba.
    • Gebogabadii Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo ahaa Guddoomiyihii golaha Guurtida JSL mudadii Axdiga lagu shaqeeynay iyo mudadii Dastuurka lagu shaqeeynayayba, waxaa lagu xusuusan doonaa oo qof kasta oo Reer Somaliland ahba maskaxdisa ku jiri doonta kaalintii halganka ay ku lahayd Guurtidii Dastuuriga ahayd ee Beesha dhexe, Kaalitni Nabad-gelyada iyo dhismaha Dowladnimo ay ku lahaayeen Guurtiyada iyo wax-garadka Beelaha Reer Somaliland, kaallintii iyo Doorkii ay Guurtidu ku lahayd hawlaha kala duwan ee ka hirgalay dalka JSL, waxa si gaar ah loogu xusuusan donaa Go'aan qaadashadiisii Geesinimada lahaa, isku kalsoonida lahaa, iyo hal-adeegiisa. Waxaa lagu xusuusan doonaa erayadiisa koobnaa ee ay wehelisay haybada iyo karaamadu. Noloshiisa iyo Muqaalkiisa waxay Golahani & Guud ahaanba Qaranka u ahayd wax-wayn.
    Alla aha u naxariisto, naxariisti jano eeba ha siiyo, Qoyskiisii, Eheladiisii, Axsaaabtii, Golihiisii iyo Shacbiga Reer Somalilandba Guddo iyo dibadba Samir iyo Iimaan Allaha ha ka siiyo. Allaa Mahad Leh C/laahi Ibraahim Habane

    Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida JSL.


    Somaliland
    Parliament


    Somaliland
    Emblem


    Hargeysa
    Somaliland


    Dadweynaha
    Reer Somaliland


    Somaliland
    Passport


    Somaliland
    Map


    Somaliland
    Stamp


    Somaliland
    Stamp

    Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
    Taarikhdii Maxamed X. Ibraahim Cigaal.
    Taariikh Nololeedka  Ahmed M. Mohamoud Silanyo