



|
|
3-dii May 2002, alla ha u naxariistee marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu tagay caafimaad, waxaana hatan laga joogaa mudo laba sano ah. Marxuum Cigaal waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1928-kii, sidaa darteed markii uu geeriyooday waxay da’diisu noqonaysaa 74 jir, wuxuuna ku dhashay magaalada Oodweyne ee gobolka Togdheer, marxuum Cigaal dabayaaqadii afartamaadkii ayuu waxbarasho u tagay dalka Ingiriiska wuxuuna dib uga soo laabtay horaantii kontameeyadii xiligaas oo ay Somaliland ka aloosnayd dabayshii gobonimo doonka, iyada oo wakhtigaa ay Somaliland ka talinaysay mustacmarkii Ingiriisku. Sanadkii 1956-kii ayaa marxuum Cigaal loo doortay xoghayaha guud ee xisbigii SNL safka hore kaga jiray xisbiyaddii u halgamayey gobonimo doonka Somaliland, laakiin bishii February ee 1960-kii ayuu marxuum Cigaal oo hogaaminaya wefti Somaliland ah qalinka ku duugay heshiis dhigaya inay Somaliland xornimadeeda ka qaadato boqortooyadda Ingiriiska 26 June ee isla sanadkaa, waxaana ka mid ahaa xubnaha weheliyey Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale iyo Maxamuud Cabdi Carraale, 26-kii June 1960-kii markii ay Somaliland xornimadeeda qaadatay marxuum cigaal wuxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Somaliland laakiin afar maalmood ka dib ayey Somaliland la midawday Soomaaliya, oo 1dii Julay 1960-kii xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Talyaaniga, waxaana Muqdisho laga dhisay Jamhuuriyadii la odhan jiray (Jamhuuriyadda Soomaaliya) wuxuuna marxuum Cigaal xukuumadii halkaa laga dhisay ka noqday wasiirkii Gaashaandhiga, laakiin markale ayuu sanadkii 1963-kii noqday wasiirka tacliinta, wuxuuse jagadaa iska casilay 1964-kii, isaga oo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ah oo la odhan jiray SNC, wuxuuse markii dambe ku biiray xisbigii SYL. 10-kii July 1967-kii ayuu marxuum Cigaal noqday ra’iisal wasaaraha jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo uu markaa madaxweyne ka ahaa C/Rashiid Cali Sharmarke, laakiin marxuum Cigaal sanadkii 1969-kii ayuu marlabaad noqday ra’iisal wasaaraha jamhuuriyaddii Soomaaliya. Hase yeeshee 21-kii October 1969-kii ayaa xukuumaddii marxuum Cigaal la inqilaabay, waxaana inqilaab Milatari ku qabsaday saraakiil Milatari ah oo uu horkacayey Maxamed Siyaad Barre, oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Jamhuuriyaddii Soomaaliya, isla markaana marxuum Cigaal waxa loo taxaabay xabsiga. 1975-kii ayaa xabsiga laga sii daayey marxuum Cigaal waxaana laga dhigay danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Hindiya, laakiin sanad ka dib oo ahayd 1976-kii ayaa mar kale xabsiga lagu celiyey, wuxuuna ku jiray ilaa 1981-kii, xiligaas oo la soo daayey. Markii ay burburtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ka talin jirtay waxa uu marxuum Cigaal ka qayb galay sanadkii 1991-kii shir ay magaalada Djibouti ku yeesheen kooxaha Soomaaliya, laakiin shirkaasi ma midha dhalin, wuxuuna marxuum Cigaal yimid Somaliland oo ay markaa ka talinaysay xukuumadii ururka SNM dhisay, ee uu madaxweynaha ka ahaa C/Raxmaan Axmed Cali, laakiin 5tii may ee 1993-kii ayaa shirweynihii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama Marxuum Cigaal loogu doortay madaxweynaha Somaliland, markale ayaa marxuum Cigaal shirweynihii Hargeysa 1997-kii dib loogu doortay madaxweynaha Somaliland, wuxuuna geeriyooday isaga oo xilkaa haya. Marxuum Cigaal intii uu noolaa wuxuu guursaday shan dumar ah, laakiin mid qudha ayaa carruur u dhashay, taas oo ah Marwo Caasha Siciid Caabi, waxayna u dhashay shan carruur ah, (3- wiil iyo 2-ba gabdhood.)
Warka sida jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay, Ee shalay dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay, Jariidaadku goortay qoreen amase joornaalku, Judhii ay maqleen bay dadkii wada jareeyeene, Nin waliba halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye, Jariiradda iyo oohintiyo jiibta iyo taaha, Iyo qaar iyaga oo aan jug qabin juuqba laga waayay, Badhna jiifka aamine wadnaha jararacdiisiiye, Mooraalka jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya, Jawigoo beddelan bay dadkii jidadka buuxsheene, Allahayow jannee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa, Heduse way jirtaye geeriyaha midiba waa jaade, Haddii ruux jacayl loo qabaa dunida joogaayo, Oo malag arwaax uu jar yidhi jamasho ay baajin, Jaliilkeenu kuu soo diray ayaa iilka jiifsadaye, Ambiyaalihii lama jareen jawharta ahayde, Dhammaanteen jidkaa geeridaa jaa’is loo yahaye, Ninba inuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne, Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday, Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene, Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa, Jeedaalo goortaan ku dayo jabadkii aan aallay, Ee uu jarmaadiyo kallaho igaga soo jiiday, Jidkii uu dadweynaha la maray jaranjartii dawga, Jilbis iyo abees iyo wuxuu halaq la soo jiidhay, Jiidh debecsanaantuu bulshada kula hejaan-qaaday, Uu kala jihaynaayay iyo nabad jacalkiisii, Jambaynkii iyo hoguu kala bixiyo jar iyo laalaadka, Haddii aan distoor jirin dadyahow tala majoogteene, Jidkuu sii banneeyay anfacay maamulkoo jiray, Markuu tiirar aan naga jabayn jooji yuu tegaye, Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa, Jisaskii Qur’aanka oo dhan lagu jaan-gooyo, Jaliilkaan baryanaa inuu naga ajiibaaye, Jirabkiyo ciqaabtiyo raboow jaynafkiyo oonka, Jahanama kuwaa lagu guray ee jixijix loo diiday, Ilaahay kuwaa jabay adiga kulama soo joojo, Jamhuuriyadda Somaliland shacab wixii jooga, Ubadkaaga kuu jeelan iyo jaanka ahalkaaga, Iyana samiir jamiilbay naftii ugu jawaabeene, Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa. |
|