HomeSomalilandWararkii HoreArticlesContact us

                   Home
Somaliland
Wararkii Hore
Articles
Contact us
Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCdaBarnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. AfrikaBarnaamika - Shanta Galabnimo G. AfrikaBarnaamika - Labada Duhurnimo - G. Afrika
  • Allaybaday
  • Awdalnews
  • Batalale
  • Berberalg
  • burcoonline
  • Farshaxan
  • Gabiley
  • Golisnews
  • Golisradio
  • Goljano
  • Halganews
  • Hargeisabiriij
  • Hargeysanews
  • Hargeysa
  • Hadhwanaag
  • Harowo
  • Hormoodnews
  • Qarannews
  • Saaxil
  • saaxil.org
  • SDWO
  • Somalilandcenter
  • SomalilandEmbassy
  • SomalilandForum
  • Somalilandfuture
  • somalilandHorta
  • somalilandnation
  • SomalilandNews
  • Somaliland.org
  • somalilandpatriots
  • Somalilandsports
  • SomalilandTalk
  • SomalilandToday
  • Sooyaal
  • Togdheernews
  • WaabariNews
  • Waaheen
  • Warjire
  • GeeskaAfrika
  • Haatuf
  • Jamhuuriya
  • Maandeeq
  • SomalilandTimes
  • Maansoor Hotel
  • Ambassador Hotel
  • DaalloAirlines
  • DahabShiil
  • Telesom
  • Daryeel
  • LuckStar
  • Unieco
  • HargeisaUniversity
  • BurcoUniversity
  • AmoudUniversity
  • BerberaColleg
  • GolisColleg
  • Kulmiye
  • Ucid
  • Udub
  •  

              D   A   S   T   U   U   R   K   A

    JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

     

    T  U  S  M  A  D  A

    I  QAYBTA KOWAAD  
    Tilmaanta qaranka, mabaadi’da
    guud iyo xorriyadda asaasiga ah
     
    XUBINTA 1-aad
    Tilmaanta Guud
     
    Q1:   Qeexidda qaranka JSL;
    Q2:   Dalka JSL
    Q3:   Magaalomadaxda
    Q4:   Jinsiyadda
    Q5:   Diinta
    Q6:   Afka
    Q7:   Calanka, Astaanta & Heesta Qaranka
     
    XUBINTA 2-aad
    Mabaadi’da Guud
     
    Q8:   Sinnaanta Muwaadiniinta
    Q9:   Nidaamka Siyaasadeed
    Q10: Xidhiidhka Dibedda
    Q11: Dhaqaalaha Dalka
    Q12: Hantida-guud, Khayraadka Dabiiciga
      ah iyo Waxsoorsaarka Wadaniga ah
    Q13: Baanka
    Q14: Cashuuraha, Takaaliifta & Ribada
    Q15: Waxbarashada, dhallinyarada iyo
       Ciyaaraha
    Q16: Horumarinta Cilmiga, Suugaanta
      Hiddaha iyo Dhaqanka
    Q17: Caafimaadka
    Q18: Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada
      Aafooyinka
    Q19: Daryeelka Qaybaha Bulshada
       Baylahsan
    XUBINTA 3-AAD
    Xuquuqda Qofka, Xorriyadda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Saaran Muwaadinka
     
    Q20: Shaqada, Farsamada, Daryeelka iyo
              Badbaadinta Shaqaalaha
    Q21: Hirgelinta iyo Fasiraadda
    Q22: Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho
              iyo Xaqa Doorashada
    Q23: Xorriyada Dhaqdhaqaaqa iyo Is- abaabulka
    Q24: Xaqa Nolosha, Nabadgeliyada Jidhka, Xurmaynta Magac-samida iyo Dambiyada laga galo Xuquuqda Aadamiga.
    Q25: Xaqa Xorriyadda, Dammaanad-qaadka iyo Shuruudaha xuquuqda  iyo Xorriyaadka
    Q26: Ciqaa iyo Dambe
    Q27: Xuquuqda Qofka Xorriyadda laga Qaaday
    Q28: Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca
    Q29: Xurmeynta Hoyga
    Q30: Xorriyada Isgaadhsiinta
    Q31: Xorriyadda Lahaanshaha Hanti Gaar-ahaaneed
    Q32: Xorriyadda Bannaanbaxa, Raýi- Dhiibashada, Saxaafadda iyo Baahinta
    Q33: Xorriyadda Caqiidada
    Q34: Waajibaadka Muwaadinka iyo Ciqaabta
    Q35: Isu-celinta Eedaysanayaasha ama dambiilalayaasha iyo Magangelinta siyaasadeed
    Q36: Xuquuqda Haweenka   
    QAYBTA LABAAD
    Qaabdhismeedka Qaranka
     
    Q37: Awoodda iyo Karaamada Qaranka
    XUBINTA 1-aad
    Wada Xeer-dejinta
     
    Q38: Baarlamaanka iyo Fadhiyada Wada Jirka Ah
    GOLAHA WAKIILADA
    Q39: Tilmaanta Guud ee Golaha
    Q40: Tirada Golaha iyo doorashadiisa
    Q41: Shuruudaha Qofka Isu-taagaya
    Doorashada
    Q42: Muddada Xilka iyo Xiliga Doorashada
    Q43: Xarunta Golaha Wakiilada
    Q44: Isugu Yeedhidda Golaha Wakiilada
    Q45: Fadhiyada Golaha Wakiilada
    Q46: Kalfadhiyada iyo habaynta Golaha Wakiilada
    Q47: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Wakiilada
    Q48: Reebanaanta Qabashada Xil Kale iyo uga
    Faa’iidaysiga Xilka Dano Gaar ah
    Q49: Dhawrasanaanta Xubinta Golaha Wakiilada
    Q50: Waayidda Xubinimada Golaha Wakiilada
    Q51: Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
    Q52: Shaqaalaha Golaha Wakiilada
    Q53: Awoodda iyo waajibaadka Golaha Wakiilada
    Q54: Awoodda Xeer-djinta Arrimaha Maaliyadda
    Q55: Miisaaniyadda
    Q56: Kala Diridda Golaha Wakiilada
    XUBINTA 2-aad
    Golaha Guurtida
     
    Q57: Tilmaanta Guud ee Golaha
    Q58: Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida iyo
    Muddada Xilka
    Q59: Shuruudaha Qofka loo soo Dooranayo
    Xubinimada Golaha Guurtida
    Q60: Tirada Golaha Guurtida
    Q61: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha
    Guurtida
    Q62: Fadhiga ugu Horreeya ee Golaha Guurtida
    Q63: Xoghaya Golaha iyo La-taliyayaasha
    Q64: Xeer-hoosaadka Golaha
    Q65: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Guurtida
    Q66: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Guurtida
    Q67: Shaqo-ka-tagidda Xubinta Golaha Guurtida
    Q68: Waayidda Xubinimada Golaha Guurtida
    Q69: Kala Diridda Golaha
    Q70: Reebbanaanta Gabasho Xil kale iyo uga Faa’iidaysiga Xilka Dano Gaar ah
    Q71: Fadhyada iyo Kal-fadhiyada
    Q72: Bannaanshaha Jagada Golaha Guurtida iyo Iyo Soo
    Q73: Xarunta Golaha Guurtida
    Q74: Soo Bandhigidda Mashruuc-sharci
    Q75: Soo Saaridda, Faafinta iyo DhaqngelintaXeerka
    Q76: Xeer Noqoshada iyo Dhaqngelistiisa
    Q77: Habka loo Raaco Xeer-dejinta
    Q78:
    Q79: Eedaynta Xubnaha Golayaasha
     
    QAYBTA SADDEXAAD
    Waaxda Fulinta
     
    XUBINTA 1-aad
     
    Q80: Madaxweynaha iyo Madxweyne-kuxigeenka
    Q81: Waaxda Fulinta
    Q82: Shuruudaha Qofka loo Dooranayo
              Maxaweyna iyo Madxweyne-kuxigeen
    Q83: Habka Doorashada
    Q84: Dhaarta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-
              Kuxigeenka
    Q85: Waxyaabaha ka Reeban Madaxweynaha
              Madaxweyne-kuxigeenka
    Q86: Bannaanaanta Jagada iyo Habka uu
             Madaxweyna ama Madaxweyne-kuxigeenku
             Xilka uga tegi karo
    Q87: Mushaharka iyo Gunnada
    Q88: Muddada Xilka
    Q89: Habka Buuxinta Jagada Mannaanaata
     
    XUBINTA 2-aad
     
    Q90: Awoodaha Madxweynaha
    Q91: Awoodaha Madaxweyne-kuxigeenka
    Q92: Awoodaha kale ee Madaxweynaha ee la
             Xidhiidha xeerarka Degdegga ah
    Q93: Hab-Maamuuska Madaxda Sare ee
              Qaranka
     
    XUBINTA 3-aad
     
    Q94:   Golaha Wasiirada
    Q95:   Sii haynta Xilka
    Q96:   Eedaynta iyo Maamuus ka-xayuubinta
    Madaxweynaha, Madaxweyne-kuxigeenka Iyo Wasiirada  
    QAYBTA AFARAAD  
    WAAXDA GARSOORKA
    Q97:   Hawsha Garsoorka
    Q98:   Awoodda Garsoorka
    Q99:   Dhismaha Garsoorka
    Q100: Maxkamadaha
    Q101: Maxkamadda Sare
    Q102: Maxkamadda Hoose
    Q103: Xeer-ilaaliyaha
    Q104: Maxkamadda Ciidamada iyo Xeer-
    ilaalintooda
    Q105: Magacaabidda Guddomiyaha
    Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare
    Q106: Xidhiidhka Hay’adaha Garsoorka iyo
    Wasaaradda caddaaladda
     
    QAYBTA SHANAAD
    Qodobo Kala Duwan
     
    XUBINTA 1-aad
     
    Q107: Guddida Caddaaladda
    Q108: Hawsha Guddida Caddaaladda
    XUBINTA 2-aad
     
    Q109: Qaab-dhismeedka Dalka
    Q110: Maamulka Gobollada
    Q111: Golayaasha Gobollada iyo Degmooyinka
    Q112: Baahinta Awoodda Maamulka
    XUBINTA 3-aad
    Hay’adaha Dawladda
     
    Q113: Hay’daha Dawladda ee Gaarka ah
    Q114: Magacaabista iyo Xil-ka-qaadista
    Madaxda Hay’adaha
    Q115: Guddida Culimada, Waajibaadka Guddida
    Q116: Tirada Guddida iyo Muddada Xilka
    Q117: Shuruudaha Xubnaha
    Q118: Waxyaabaha ka Reeban Xubnaha
    Q119: Magacaabidda Xubnaha Guddid Culimada
    Q120: Bannaanaanshaha Xubinnimada Guddida Culimada
    Q121: Mushaharka iyo Gunnada
    Q122: Xeerka Hay’adaha
     
    XUBINTA 4-aad
     
    Q123: Mabaadi’da  Ciidanka Qaranka
    Q124: Ciidamada Booliska iyo Asluubta
    Q125: Diyaarinta Xeerka Aftida iyo
    Magacaabidda  Guddida Qabanqaabinta Aftida
    Q126: Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda Dastuurka
    Q127: Xuduudda Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda
    Dastuurka
    Q128: Saldhigga iyo Sarraynta Dastuurka
    Q129: Dhaarta Dastuuriga ah
    Q130: Dhaqan Gelinta Dastuurka iyo Qodobada Kala Guurka
    I.     Magcyada Guddida Isku-dubaridka                     
           Dasruurka
    II.   Guddida Dib u Hubinta iyo Dib u Eegidda
           Dastuurka
    III.  Guddida Sixidda, Hubinta iyo Soo Saaridda
            Nuqulkan Dastuurka
    IV.  Xoghaynta Guddida Dastuurka           

     
     

    QAYBTA KOWAAD

    TILMAANTA QARANKA, MABAADI'DA GUUD IYO XORRIYAADKA ASAASIGA AH

    XUBINTA 1AAD

    TILMAANTA GUUD

    QODOBKA 1AAD

    QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

    1.       Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii Julaay l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaan “Jamhuuriyadda Somaliland”.

    2.       Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

    QODOBKA 2AAD

    DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

    1.       Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

    2.       Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

    3.       Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

    QODOBKA 3AAD

    MAGALO-MADAXDA

    Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.

    QODOBKA 4AAD

    JINSIYADDA

    1.       Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin

    2.       Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somaliland.

    QODOBKA 5AAD

    DIINTA

    1.       Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.

    2.       Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

    3.       Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta diimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.

    4.      Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah.

    QODOBKA 6AAD

    AFKA

    1.       Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna waa Af- Carabiga.

    2.       Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.  

    QODOBKA 7AAD

    CALANKA, ASTAANTA & HEESTA QARANKA

    1.       Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan.  Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.

    2.       Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay "ALLAAHU AKBAR" oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan.  Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah.

    3.       Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.

    4.       Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakiilada.

    XUB1NTA 2AAD

    MABAADI'DA GUUD

    QODOBKA 8AAD

    SINNAANTA MUWAADINIINTA

    1.       Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqadda, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

    2.       Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.

    3.       Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.

    QODOBKA 9AAD

    NIDAAMKA SIYAASADEED

    1.       Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag,  dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.  

    2.       Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

    3.       lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.

    QODOBKA 10AAD

    XIDHIIDHKA DIBEDDA

    1.       Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore la odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand.

    2.       Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.

    3.       Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.

    4.       Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale.

    5.       Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.

    6.       Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaysaa siday ugu   biiri lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka.

    7.       Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis-nimada iwm,  ujeeddo kasta ha lahaadeene.  

    QODOBKA 11AAD

    DHAQAALAHA DALKA  

    1.       Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.

    2.       lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

    3.       Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu  nidaaminayaa.  

    QODOBK 12AAD

    HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH

    1.       Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh.

    2.       Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo  muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.

    3.       Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama      ma-guurto ah, inay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

    4.       Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.

    5.       Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

    6.       Dawladdu waxay dhiiri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah.

    7.       Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah.  

    QODOBKA 13AAD

    BAANANKA  

            Dawladdu waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan­ ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed.

    QODOBKA 14AAD

    CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA

    1.       Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo.

    2.       Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya.

    3.       Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

    QODOBKA 15AAD

    WAXBARASHADA, DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA

    1.       Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyad oo u aragta inay waxbarashadu tahay maal­gelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

    2.       Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.

    3.       Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur'aanku waa waajib saaran Dawladda.

    4.       Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka warbarashada.

    5.       Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah.

    6.       Cidhibtirka akhris-qoris la'aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo fulinta waajibkaas.

    7.       Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la'aan.

    8.       Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa horumarinta iyo dhiirigellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.

    QODOBKA 16AAD

    HORUMARINTA CILMIGA, SUUGAANTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA

    1.       Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiiri­gelinaysaa hal-abuurka iyo cilmibaadhista.

    2.       Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya.

    3.       Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo Ia dhawrayo aadaabta Islaamka.

    4.      Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin.

    QODOBKA 17AAD

    CAFIMAADKA

    1.       Dawladdu iyad oo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag la'aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.

    2.       Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.

    QODOBKA 18AAD

    DEEGAANKA IYO WAX-KA­-QABASHADA MFOOYINKA

    1.       Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka. Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya.

    2.       Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal.

    QODOBKA 19AAD

    DARYEELKA QAYBAHA BULSHADA BAYLAHSAN

    Dawladdu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaadda.

    QODOBKA 20AAD

    SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA IYO BADBADINTA SHAQAALAHA

    1.      Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.

    2.       Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada.

    3.       Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan la geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo la isku khasbo.

    4.       Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa.

    5.       Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawlgabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

    6.       Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh.

    XUBINTA 3AAD

    XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA

    AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA

    QODOBKA 21AAD

    HIRGELINTA IYO FASIRAADDA  

    1.       Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.

    2.       Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka  aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.

    QODOBKA 22AAD

    XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO IYO XAQA DOORASHADA

    1.       Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

    2.       Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.  

    QODOBKA 23AAD

    XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA

    1.       Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

    2.       Arrimaha ku xusan faqradda 1-aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.

    3.       Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.

    4.       Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.

    QODOBKA 24AAD

    XAQA NOLOSHA, NABAD-GELINTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA

    1.       Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

    2.       Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

    3.       Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

    4.       Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

    QODOBKA 25AAD

    XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA

    1.       Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

    2.       Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

    4.       Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

    QODOBKA 2 6AAD

    CIQAAB IYO DEMBI

    1.       Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta   loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

    2.      Mas'uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.

    3.      Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

    QODOBKA 27AAD

    XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

    1.      Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado.

    2.       Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.

    3.      Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka­soo qaad ma laha.

    4.       Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.

    5.      Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.

    6.      Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in go'aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato       maxkamadda ka sarraysa.

    7.      Marka qof  la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u  leeyahay in la  ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.

    8.      Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad  baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.

    9.      Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1-aad ilaa 7-aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.  

    QODOBKA 28AAD

    XAQA DACWADDA & ISDIFAACA

    1.       Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda          awoodda u leh.

    2.       Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.

    3.       Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa in uu bixiyo difaac lacag la'aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda.

    QODOBKA 29AAD

    XURMAYNTA HOYGA

    Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

    QODOBKA 3OAAD

    XORRIYADDA ISGAADHSIINTA

    Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku banneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amargarsoore oo sababaysan.

    QODOBKA 31AAD

    XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHAANEED  

    1.      Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in  uu ku helo waddo xalaal ah.

    2.       Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud       awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah.  

    3.       Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.  

    QODOBKA 32AAD

    XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA'YI - DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

    1.       Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal,       suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

    2.       Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaanbax   nabadeed oo xeerka waafaqsan.

    3.       Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi-          dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta     oo lagu cabudhinayo; hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.

    QODOBKA 33AAD

    XORRIYADDA CAQIIDADA  

    1.       Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo in uu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.

    2.       Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda dun iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.

    QODOBKA 34AAD

    WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA'AANTA WAAJIBAADKA

    1.       Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka             Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.

    2.       Qof kasta waxa ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

    3.       Qof kasta waxa ku waajib ah in uu si hagarla'aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.

    4.       Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

    5.       Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la'aanta waajibaadka ku xusan faqradda l-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

    QODOBKA 35AAD

    ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA IYO MAGANGELINTA SIYAASADEED

    1.       Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa la siin karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magangelinta.

    2.       Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.

    3.       Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa.

    QODOBKA 36AAD

    XUQUUQDA HAWEENKA

    1.       Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman   yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane.

    2.       Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda   iyo damiirkooda.

    3.       Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kor­meeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan.

    4.       Si sare loogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska,     haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn.  

    QAYBTA LABAAD

    QAAB-DHISMEEDKA QARANKA

    QODOBKA 37AAD

    AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA

    1.       Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo     Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku   cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

    2.       Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer­dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu     Dastuurku dhigayo.  Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan     tahay.

    XUBINTA 1AAD

    WADA XEER-DEJINTA

    QODOBKA 38AAD

    BAARLAMAANKA IYO FADHIYADA WADA JIRKA AH

    1.       Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma       wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.

    2.       Mashruuc-sharci Baarlamaanku oggolaadeen wuxuu xeer dhaqan gal ah noqonayaa marka uu  Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka.

    3.       Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynaanaysaa Dastuurka iyo xeer­hoosaadyadiisa.

    4.       Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda:­

    b-   Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda.

    t-    In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay U baahan tahay dawlad Islaam ah.

    j-    Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabba­galka cadaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu­kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland.

    5.       Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo kuwo gaar          kala ah.         

    6.       Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid      yihiin:­

    b-   Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,

    t-    Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.

    j-    Go'aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal.

    x-.   Doodaha ku saabsan aafooyinka dabiiciga ah;

    kh- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdegga ah;

    d-   Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

    r-     Arrimaha kale ee 2-da Gole la habboonaata in ay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan.

    GOLAHA WAKIILADA

    QODOBKA 39AAD

    TILMAANTA GUUD EE GOLAHA

    Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana Qaybta l-aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.  

    QODOBKA 40AAD

    TIRADA GOLAHA IYO DOORASHADIISA

    Golaha Wakiilada waxa uu ka kooban yahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah.

    QODOBKA 41AAD

    SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA DOORASHAD

             Qofka  isu-taagaya  xubinimadda Golaha Wakiilada waa in uu yeesho shuruudaha soo socda:­

    1.       ln uu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.

    2.      In uu Muwaadin yahay, da'diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.

    3.      ln uu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.

    4.      ln uu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.

    5.       ln aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay.

    6.       In uu yahay xilkas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.

    7.       Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah in uu isu taago doorasho haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay.

    QODOBKA 42AAD

    MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA  

    1.       Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda     Sare ay ku dhawaaqdo go'aamada doorashada.

    2.       Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka         muddada Golaha hore.

    3.       Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore     ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub.     Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha  Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.

    QODOBKA 43AAD

    XARUNTA GOLAHA WAKIILADA

    Xarunta Golaha Wakiiladu waa Magaalo-madaxda.

    QODOBKA 44AAD

    ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB  

    1.      Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo  ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda.

    2.       Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (Shan  iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorasho.

    3.       Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa  waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.

    QODOBKA 45AAD

    FADHIYADA GOLAHA WAKIILADA

    1.       Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhanna way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya.

    2.       Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani,    marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda la baahiyay.

    3.       Go'aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeer­hoosaadka Goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale.

    4.       Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa hal dheeri (aqlabiyad fudud); waxaana dib loo dhigi     karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.

    5.       Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha  Wakiilada iyo Guddiyadiisa haddii qoraal lagaga codsado sidaa; waxaanay xaq u leeyihiin in ay  ka qayb qaataan doodda; hase yeeshee xaq uma laha codayn. Sidoo kale Madaxweynaha     waxaa u bannaan in uu u wakiisho Ku-xigeenka Madaxweynaha ama Wasiir kasta ka qayb-galka fadhiyada Golaha Wakiilada

    QODOBKA 46AAD

    KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA

    GOLAHA WAKIILADA

    1.      Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya muddo 28 (siddeed iyo labaatan) toddobaad ah. Labadii kal-fadhi waxaa u dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8(siddeed) toddobaad.

    2.     Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada waxa uu ku qabsoomi karaa: Kal-fadhigiisa 

    b) Codsi ka yimid Madaxweynaha;

    t)  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha.

    j)  1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo qoraal ku codsada.

    3.       Kal-fadhigiisa ugu horreeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeer­hoosaadkiisa;             waxaanu ku dhisanayaa guddi-hoosaadyo inta uu u baahdo.

    4.       Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya sannad                 walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha,           xaaladda  lacageed & xaaladda nabadgelyada.

    QODOBKA 47AAD

    MUSHAHARKA IYO GUNNADA

    GOLAHA WAKIILADA

    Xubnaha Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo.  

    QODOBKA 48AAD

    REEBBANAATA QABASHADA XIL KALE IYO UGA FAA'IIDEYSIGA XILKA DANO GAAR AH

    Xubinta Golaha Wakiilada uma bannaana in ay qabato xil kale oo Dawladeed, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana in ay uga faa'iideysato xilkaasi dano gaar ahaaned.

    QODOBKA 49AAD

    DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA

    1.       Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra'yi ka dhiibtay.

    2.       Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda l-aad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

    3.       Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyada oo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.

    4.       Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii lagu qabto isaga oo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si degdeg ah loo ogeysiiyo.

    5.       Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

    6.       Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

    7.       Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyada oo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.

    QODOBKA 50AAD

    WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA

    Xubinimada Golaha Wakiilda waxa la waayi karaa haddii:­

    1.       Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda;

    2.       Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado;

    3.       Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa;

    4.       Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday;

    5.       Uu ka maqnaado Golaha 20 (labaatan) fadhi oo isku xiga idan la'aan.

    QODOBKA 51AAD

    BUUXINTA JAGADA GOLAHA WAKIILADA

    Haddii ay bannaanaato jagada xubin ka mid ah Golaha Wakiilada ka hor lixda bilood ee ugu dambaysa muddada xilka Golaha, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyada oo xubinta cusubi ay dhammaystirayso muddada xilka Golaha ka hadhay.

    QODOBKA 52AAD

    SHAQAALAHA GOLAHA WAKIILADA

    1.       Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud oo aan ka tirsanayn Golaha Wakiilada; kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha hawlaha xafiiska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, wuxuuna yeelanayaa Kuxigeen.  

    2.       Golaha Wakiiladu wuxuu  yeelanayaa  lataliyeyaal  sida  Lataliye-sharci, dhaqaale, siyaasadeed iwm oo lagu xusho khibrad iyo aqoon ay u leeyihiin hawlohooda.

    3.       Shaqaalaha kale ee Xoghaynta waxa shaqo gelinaya Xoghayaha Guud marka uu ka helo ogolaansho Shir-guddoonka. Xoghayaha Guud, Kuxigeenka, La­taliyayaasha iyo shaqaalaha kale magacaabistooda, xil ka qaadistooda, gunnadooda,iyo xuquuqdooda, waxa lagu caddaynayaa xeer-hoosaadka Golaha.

    QODOBKA 53AAD

    AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA

    1.       Waxa waajib ah in uu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay'adaha Dawladda, iyada oo la raacayo Dastuurka.

    2.       Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka­sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

    3.       Golaha Wakiiladu wuxuu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo­saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

    4.       Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin  iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hoggaaminta.

    5.       Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun degdeg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiillada & Golaha Guuritda) oggolaansho.

    6.       Golaha Wakiiladu wuxuu awood u leeyahay in uu u yeedho Xukuumadda ama hay'adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.

    7.       Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay'adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.

    QODOBKA 54AAD

    AWOODDA XEER-DEJINTA ARRIMAHA MAALIYADDA

    Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:­

    1.       Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga.

    2.       Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya.

    3.       In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiimo dammaanadeed.

    4.       Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.

    QODOBKA 55AAD

    MIISAANIYADDA

    1.       Golaha Wakiiladu wuxuu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go'aan Gole.

    2.       Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi.

    3.       Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

    4.       Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannad­maaliyadeedka.

    5.       Xeer  ayaa  caddaynaya  miisaaniyadda  iyo  xisaab-xidhka  hay'adaha, wakaaladaha iyo shirkadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada.

    6.       Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad­maaliyadeedkii  dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan.

    7.       U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti­dhawraha Guud.

    QODOBKA 56AAD

    KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILADA

             Golaha Wakiilada waxa la kala diri karaa:­

    1.       Marka uu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadiya oo isku xiga, iyada oo aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsani.

    2.       Marka ay soo jeediyaan in uu kala dirmo 1/3 {saddex meelood, hal} tirada xubnaha Goluhu; isukuna raacaan 2/3 {saddex meelood laba}tirada guud ee xubnihiisu.

    3.       Xaaladaha ku xusan faqradaha {1-aad} iyo {2-aad} ee qodobkan waxa go'aan ka soo saaraysa Maxkamadda Dastuurka, iyada oo xaaladda ku xusan faqradda {l-aad} ay Maxkamaddu u soo gudbinayso Madaxweynaha xaaladda ku xusan faqradda 2-aadna Golaha Wakiilada.

    4.       Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diridooda ku oggolaado Afti-qaran oo ay qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi.

    5.       Madaxweynuhu marka uu arko go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ee ay ka soo saarto xaaladda ku xusan faqradda {1-aad} ama {2-aad} ee qodobkan, ama natiijada aftida dadweynaha ee ku xusan faqradda {4-aad} ee qodobkan, waxa uu ku soo saarayaa Xeer-Madaxweyne kala diridda Golaha Wakiilada, isaga oo isla markaa baahinaya taariikhda doorashada Golaha cusub oo ku qabsoomaya 60 {lixdan} maalmood gudahood.

    6.       Haddii aftida Qaranku taageeri weydo kala diridda Golaha Wakiilada, ama doorashadu qabsoomi waydo, Golihii hore ayaa xilka haynaya.

    7.       Ma bannaana kala diridda Golaha Wakiilada sannadka u horeeya ee Golaha iyo sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha.

    XUBINTA 2AAD

    GOLAHA GUURTIDA

    QODOBKA 57AAD

    TILMAANTA GUUD EE GOLAHA

    Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2-aad ee Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin; wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

    QODOBKA 58AAD

    DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA GUURTIDA IYO MUDDADA XILKA

    1.      Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer.

    2.      Muddada xilka Golaha Guurtidu waa 6 {lix sano}, oo ka bilaabmaysa maalinta fadhiga l-aad qabsoomo.

    QODOBKA 59AAD

    SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANAYO XUBINIMADA GOLAHA GUURTIDA

             Qofka loo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha qofka isu- taagaya xubinimada Golaha Wakiilada marka laga reebo da'da iyo heerka aqoonta oo noqonaya sidan hoos ku xusan:­

    1.       ln aan da'diisu ka yaraan 45 sano {shan iyo afartan sano}.

    2.       ln uu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday dhaqan-yaqaan ah.

    QODOBKA 60AAD

    TIRADA GOLAHA GUURTIDA

    1.       Tirada xubnaha Golaha Guurtidu waa 82 (labba iyo siddeetan} oo iska dhex dooranaya Guddoomiye, laba Guddoomiye kuxigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u baahdo. Goluhu wuxuu yeelanayaa guddi joogto ah oo 25 {shan iyo labaatan} xubnood ah.

    2.       Xilli kasta waxa ku soo kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah:­