



|
|
T U S M A D A QAYBTA KOWAAD TILMAANTA QARANKA, MABAADI'DA GUUD IYO XORRIYAADKA ASAASIGA AH XUBINTA 1AAD TILMAANTA GUUD QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND 1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii Julaay l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaan “Jamhuuriyadda Somaliland”. 2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale. DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND 1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf). 2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti. 3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan. MAGALO-MADAXDA Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa. JINSIYADDA 1. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin 2. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somaliland. DIINTA 1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka. 2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda. 3. Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta diimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada. 4. Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah. AFKA 1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna waa Af- Carabiga. 2. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo. CALANKA, ASTAANTA & HEESTA QARANKA 1. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah. 2. Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay "ALLAAHU AKBAR" oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah. 3. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer. 4. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakiilada. XUB1NTA 2AAD MABAADI'DA GUUD SINNAANTA MUWAADINIINTA 1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqadda, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman. 2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran. 3. Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah. NIDAAMKA SIYAASADEED 1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. 2. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi. 3. lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad. XIDHIIDHKA DIBEDDA 1. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore la odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand. 2. Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}. 3. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka. 4. Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale. 5. Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho. 6. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaysaa siday ugu biiri lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka. 7. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis-nimada iwm, ujeeddo kasta ha lahaadeene. DHAQAALAHA DALKA 1. Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha. 2. lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo. 3. Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa. HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH 1. Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh. 2. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer. 3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hantiguurto ama ma-guurto ah, inay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan. 4. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya. 5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan. 6. Dawladdu waxay dhiiri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah. 7. Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah. BAANANKA Dawladdu waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed. CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA 1. Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo. 2. Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya. 3. Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin. WAXBARASHADA, DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA 1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyad oo u aragta inay waxbarashadu tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. 2. Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland. 3. Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur'aanku waa waajib saaran Dawladda. 4. Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka warbarashada. 5. Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah. 6. Cidhibtirka akhris-qoris la'aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo fulinta waajibkaas. 7. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la'aan. 8. Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa horumarinta iyo dhiirigellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale. HORUMARINTA CILMIGA, SUUGAANTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA 1. Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiirigelinaysaa hal-abuurka iyo cilmibaadhista. 2. Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya. 3. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo Ia dhawrayo aadaabta Islaamka. 4. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin. CAFIMAADKA 1. Dawladdu iyad oo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag la'aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud. 2. Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah. DEEGAANKA IYO WAX-KA-QABASHADA MFOOYINKA 1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka. Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya. 2. Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal. DARYEELKA QAYBAHA BULSHADA BAYLAHSAN Dawladdu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaadda. SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA IYO BADBADINTA SHAQAALAHA 1. Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. 2. Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada. 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan la geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo la isku khasbo. 4. Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa. 5. Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawlgabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan. 6. Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh. XUBINTA 3AAD XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA HIRGELINTA IYO FASIRAADDA 1. Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan. 2. Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan. XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO IYO XAQA DOORASHADA 1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka. 2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto. XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA 1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono. 2. Arrimaha ku xusan faqradda 1-aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda. 3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka. 4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene. XAQA NOLOSHA, NABAD-GELINTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA 1. Nafta aadamuhu waa deeq Ilaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo. 2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad-geliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay. 3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed. 4. Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf. XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA 1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn. 2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi. 4. Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale. CIQAAB IYO DEMBI 1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn. 2. Mas'uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya. 3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi. XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY 1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado. 2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay. 3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-kasoo qaad ma laha. 4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn. 5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan. 6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in go'aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa. 7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto. 8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban. 9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1-aad ilaa 7-aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya. XAQA DACWADDA & ISDIFAACA 1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh. 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda. 3. Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa in uu bixiyo difaac lacag la'aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda. XURMAYNTA HOYGA Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha. XORRIYADDA ISGAADHSIINTA Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku banneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amargarsoore oo sababaysan. XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHAANEED 1. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah. 2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah. 3. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed. XORRIYADDA BANNAANBAXA, RA'YI - DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE 1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan. 2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaanbax nabadeed oo xeerka waafaqsan. 3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya. XORRIYADDA CAQIIDADA 1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo in uu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa. 2. Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda dun iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah. WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA'AANTA WAAJIBAADKA 1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka. 2. Qof kasta waxa ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka. 3. Qof kasta waxa ku waajib ah in uu si hagarla'aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey. 4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka. 5. Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la'aanta waajibaadka ku xusan faqradda l-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad. ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA IYO MAGANGELINTA SIYAASADEED 1. Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa la siin karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magangelinta. 2. Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye. 3. Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa. XUQUUQDA HAWEENKA 1. Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane. 2. Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda. 3. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kormeeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan. 4. Si sare loogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska, haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn. QAYBTA LABAAD QAAB-DHISMEEDKA QARANKA AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA 1. Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka. 2. Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay. XUBINTA 1AAD WADA XEER-DEJINTA BAARLAMAANKA IYO FADHIYADA WADA JIRKA AH 1. Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka. 2. Mashruuc-sharci Baarlamaanku oggolaadeen wuxuu xeer dhaqan gal ah noqonayaa marka uu Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka. 3. Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynaanaysaa Dastuurka iyo xeerhoosaadyadiisa. 4. Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda: b- Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda. t- In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay U baahan tahay dawlad Islaam ah. j- Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabbagalka cadaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isukalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland. 5. Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo kuwo gaar kala ah. 6. Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin: b- Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole, t- Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami. j- Go'aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal. x-. Doodaha ku saabsan aafooyinka dabiiciga ah; kh- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdegga ah; d- Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. r- Arrimaha kale ee 2-da Gole la habboonaata in ay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan. GOLAHA WAKIILADA TILMAANTA GUUD EE GOLAHA Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana Qaybta l-aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka. TIRADA GOLAHA IYO DOORASHADIISA Golaha Wakiilada waxa uu ka kooban yahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah. SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA DOORASHAD Qofka isu-taagaya xubinimadda Golaha Wakiilada waa in uu yeesho shuruudaha soo socda: 1. ln uu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka. 2. In uu Muwaadin yahay, da'diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}. 3. ln uu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa. 4. ln uu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn. 5. ln aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay. 6. In uu yahay xilkas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin. 7. Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah in uu isu taago doorasho haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay. MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA 1. Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go'aamada doorashada. 2. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore. 3. Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo. XARUNTA GOLAHA WAKIILADA Xarunta Golaha Wakiiladu waa Magaalo-madaxda. ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB 1. Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda. 2. Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (Shan iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorasho. 3. Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen. FADHIYADA GOLAHA WAKIILADA 1. Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhanna way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya. 2. Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda la baahiyay. 3. Go'aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeerhoosaadka Goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale. 4. Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa hal dheeri (aqlabiyad fudud); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood. 5. Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha Wakiilada iyo Guddiyadiisa haddii qoraal lagaga codsado sidaa; waxaanay xaq u leeyihiin in ay ka qayb qaataan doodda; hase yeeshee xaq uma laha codayn. Sidoo kale Madaxweynaha waxaa u bannaan in uu u wakiisho Ku-xigeenka Madaxweynaha ama Wasiir kasta ka qayb-galka fadhiyada Golaha Wakiilada KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA GOLAHA WAKIILADA 1. Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya muddo 28 (siddeed iyo labaatan) toddobaad ah. Labadii kal-fadhi waxaa u dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8(siddeed) toddobaad. 2. Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada waxa uu ku qabsoomi karaa: Kal-fadhigiisa b) Codsi ka yimid Madaxweynaha; t) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha. j) 1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo qoraal ku codsada. 3. Kal-fadhigiisa ugu horreeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeerhoosaadkiisa; waxaanu ku dhisanayaa guddi-hoosaadyo inta uu u baahdo. 4. Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya sannad walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada. MUSHAHARKA IYO GUNNADA GOLAHA WAKIILADA Xubnaha Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo. REEBBANAATA QABASHADA XIL KALE IYO UGA FAA'IIDEYSIGA XILKA DANO GAAR AH Xubinta Golaha Wakiilada uma bannaana in ay qabato xil kale oo Dawladeed, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana in ay uga faa'iideysato xilkaasi dano gaar ahaaned. DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA 1. Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra'yi ka dhiibtay. 2. Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda l-aad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato. 3. Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyada oo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane. 4. Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii lagu qabto isaga oo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si degdeg ah loo ogeysiiyo. 5. Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan. 6. Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga. 7. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyada oo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn. WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA Xubinimada Golaha Wakiilda waxa la waayi karaa haddii: 1. Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda; 2. Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado; 3. Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa; 4. Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday; 5. Uu ka maqnaado Golaha 20 (labaatan) fadhi oo isku xiga idan la'aan. BUUXINTA JAGADA GOLAHA WAKIILADA Haddii ay bannaanaato jagada xubin ka mid ah Golaha Wakiilada ka hor lixda bilood ee ugu dambaysa muddada xilka Golaha, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyada oo xubinta cusubi ay dhammaystirayso muddada xilka Golaha ka hadhay. SHAQAALAHA GOLAHA WAKIILADA 1. Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud oo aan ka tirsanayn Golaha Wakiilada; kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha hawlaha xafiiska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, wuxuuna yeelanayaa Kuxigeen. 2. Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaa lataliyeyaal sida Lataliye-sharci, dhaqaale, siyaasadeed iwm oo lagu xusho khibrad iyo aqoon ay u leeyihiin hawlohooda. 3. Shaqaalaha kale ee Xoghaynta waxa shaqo gelinaya Xoghayaha Guud marka uu ka helo ogolaansho Shir-guddoonka. Xoghayaha Guud, Kuxigeenka, Lataliyayaasha iyo shaqaalaha kale magacaabistooda, xil ka qaadistooda, gunnadooda,iyo xuquuqdooda, waxa lagu caddaynayaa xeer-hoosaadka Golaha. AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA 1. Waxa waajib ah in uu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay'adaha Dawladda, iyada oo la raacayo Dastuurka. 2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -kasheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda. 3. Golaha Wakiiladu wuxuu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun. 4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hoggaaminta. 5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun degdeg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiillada & Golaha Guuritda) oggolaansho. 6. Golaha Wakiiladu wuxuu awood u leeyahay in uu u yeedho Xukuumadda ama hay'adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda. 7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay'adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda. AWOODDA XEER-DEJINTA ARRIMAHA MAALIYADDA Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda: 1. Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga. 2. Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya. 3. In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiimo dammaanadeed. 4. Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba. QODOBKA 55AADMIISAANIYADDA 1. Golaha Wakiiladu wuxuu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go'aan Gole. 2. Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi. 3. Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin. 4. Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannadmaaliyadeedka. 5. Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay'adaha, wakaaladaha iyo shirkadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada. 6. Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannadmaaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan. 7. U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hantidhawraha Guud. KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILADA Golaha Wakiilada waxa la kala diri karaa: 1. Marka uu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadiya oo isku xiga, iyada oo aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsani. 2. Marka ay soo jeediyaan in uu kala dirmo 1/3 {saddex meelood, hal} tirada xubnaha Goluhu; isukuna raacaan 2/3 {saddex meelood laba}tirada guud ee xubnihiisu. 3. Xaaladaha ku xusan faqradaha {1-aad} iyo {2-aad} ee qodobkan waxa go'aan ka soo saaraysa Maxkamadda Dastuurka, iyada oo xaaladda ku xusan faqradda {l-aad} ay Maxkamaddu u soo gudbinayso Madaxweynaha xaaladda ku xusan faqradda 2-aadna Golaha Wakiilada. 4. Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diridooda ku oggolaado Afti-qaran oo ay qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi. 5. Madaxweynuhu marka uu arko go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ee ay ka soo saarto xaaladda ku xusan faqradda {1-aad} ama {2-aad} ee qodobkan, ama natiijada aftida dadweynaha ee ku xusan faqradda {4-aad} ee qodobkan, waxa uu ku soo saarayaa Xeer-Madaxweyne kala diridda Golaha Wakiilada, isaga oo isla markaa baahinaya taariikhda doorashada Golaha cusub oo ku qabsoomaya 60 {lixdan} maalmood gudahood. 6. Haddii aftida Qaranku taageeri weydo kala diridda Golaha Wakiilada, ama doorashadu qabsoomi waydo, Golihii hore ayaa xilka haynaya. 7. Ma bannaana kala diridda Golaha Wakiilada sannadka u horeeya ee Golaha iyo sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha. XUBINTA 2AAD GOLAHA GUURTIDA TILMAANTA GUUD EE GOLAHA Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2-aad ee Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin; wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada. DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA GUURTIDA IYO MUDDADA XILKA 1. Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer. 2. Muddada xilka Golaha Guurtidu waa 6 {lix sano}, oo ka bilaabmaysa maalinta fadhiga l-aad qabsoomo. SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANAYO XUBINIMADA GOLAHA GUURTIDA Qofka loo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha qofka isu- taagaya xubinimada Golaha Wakiilada marka laga reebo da'da iyo heerka aqoonta oo noqonaya sidan hoos ku xusan: 1. ln aan da'diisu ka yaraan 45 sano {shan iyo afartan sano}. 2. ln uu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday dhaqan-yaqaan ah. TIRADA GOLAHA GUURTIDA 1. Tirada xubnaha Golaha Guurtidu waa 82 (labba iyo siddeetan} oo iska dhex dooranaya Guddoomiye, laba Guddoomiye kuxigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u baahdo. Goluhu wuxuu yeelanayaa guddi joogto ah oo 25 {shan iyo labaatan} xubnood ah. 2. Xilli kasta waxa ku soo kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah: |